SIYAASADDA QARANK EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED 2023-2030

lifaaq 1: jadwalka dhaqangelinta hawlaha siyaasadda …42
Mahadnaq
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxa ay Dhalinyarada Soomaaliyeed udiyaarisay Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyyed SQDHs 2023- 2030. Siyaasadaan cusub oo la sameeyay 2023 ayaa la diyaariyay ka dib markii dabu- eegis lagu sameeyay qorshe-siyaasadeedkii 2017-2021, oo aan wali la dhaqangalinnin. Sababta loodhaqangali waayay iyo waxyaalaha ku cusub qorsha la tifaftiray ee 2023 ayaa ku xusan lifaaqa 1-aad

Siyaasadaan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lasameeyay 2023-kii ka dib markii lagala tashaday daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada Soomaaliya, waxaanay siyaalo kaladuwan gacan uga gaysteen inlasameeyo siyaadaan qaran ee dhalinyada soomaaliya.โ€จSidaa darteed waxa ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu jeceshahay in ay u mahadceliso cid kasta oo wasaaradda kala shaqaysay dhammaystiranka hawshan
Ugu danbayn waxa ay wasaaraddu u mahadcelinaysaa ka qaybqaatayaasha Qorshe-siyaasadeedkanoo ay ka mid yihiin wasaaradaha kala duwan, laamaha gobollada iyo haayadihii abuuray wadashaqaynta dhinacyada badan iyo go’aanka iskaashiga iyo wada-shaqeynta ee ka dhaxeeya dhammaan heerarka dowladda
Waxa kale oo aannu bogaadin iyo mahadcelin u hibaynaynaa dhallinyarada kala duwan jiilasha ah, oo intii siyaasadaan socotay wakhtigooda u huray in ay dareenkooda, aragtidooda iyo talobixintoodaka dhiibtaan dajinta siyaasadaan. Tani waxa ay naga caawisay ka baaraandagga iyo ibofurka arrimo kale oo muhiim ah, waxa kale oo ay jidbixiye u noqotay horumarinta iyo kobcinta awoodda dhallinyarada Soomaaliya, iyada oo lagu tallaabsaday hab iyo hannaan ay bulshadu ka midaysan tahay-madax illaa mijo.

Hoose kala soo deg naquulka:

SNYP_Nuqulka_koowaad_SQDHS2023_1.pdf