Kolka Shacabku Dulmi Dugsado

* Dadku inta uu dunida guudkeeda saarnaa labo qaybood ayuu kala ahaa. Koox talada haysa oo dadka cabburisa, ku amarkutaaglaysa iyo koox kale oo taas ka gedoodsan, ka biyadiidsan, oo dhacsashada xaqeeda halgan dheer iyo rafaad badan ugu jirta. Kooxda labaad halgankoodu haddii uu joogsado waxay ummadu gacanta u galaan xorriyaddarro iyo addoonsi aan la arag. Labadaas loollankooda ayey nololi ku jirtaa oo bulsho ku tisqaaddaa. Abwaan Hadraawi waa kii lahaa:
* “Inta qaran dhiskiisiyo
* Dhidibkiisu taagnaa,
* Dheeraad nin dooniyo
* Nin ku dhega xaqiisoo
* Dhacsanaayay baa jiray.”

Hoose kala soo dag maqaalka:
Dhuxul Damiir 11 Habeysan