Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dumarka qaan-gaarka ah loo oggol yahay inay dalkaas u safri karaan iyagoo aanu la socon nin maxram u ah.
Markii hore, Sacuudiga ayaa qasab uga dhigi jiray dumarka doonaya inay waddankaas u tagaan Cumro ama Xaj inuu la socdo marxam ama ay tahay haweeney da’deedu ka weyn tahay 45 jir isla markaana la socota dumar kale.
Wasaaradda arrimaha xajka iyo cumrada oo go’aankan shaacisay ayaan sheegin sababta xilligan keentay in dumarka loo oggolaado inay maxram la’aan tegi karaan Maka iyo Medina.
Hase yeeshee qaar kamid shirkadaha ka shaqeeya Xajka iyo Cumrada ee Nairobi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in weli shardiga maxramka uu jiro oo aan laga saarin barta laga codsado dal ku galka Sacuudiga.
Qaar kamid ah Muslimiinta caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aanka ka soo baxay Sacuudiga. Qaar ayaa si adag u diiday oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.
Xagasho: BBC