Xaflada Soo Dhaweyn Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Melbourne, 20/02/2017 (banooda)-Magaalada Melbourne, Australia waxaa lagu qabtay xaflada si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayo Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

Xaflada waxaa ka soo qayba galay dadwaynaha Soomaaliya (Madaxda Jaaliyada Soomaaliya, ulumaa diin, aqoonyahano, xaweenka, dhalinyarada iyo wax-garadka) oo ku nool magaalada Melbourne, Australia.

Dadwaynaha ka soo qayb galay waxay hambalyo iyo boogaadeyn u direen Madaxayne Farmaajo, iyo xildhibaanda, kuwaas oo ka jawaabeen codka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliya. Ka soo qayb-galayaasha waxay Allah ugu baryeen Madaxwayne Farmaajo in uu u fududeeyo xilka culus loo doortay.

Xaflada waxaa lagu soo bandhigay khudbado, buraanbur, maaweelo, duco, iyo dardaaran.

Waxyaaba loogu hadlay xaflada waxay ka mid ah qaabkii gacan loogu gaysan horumar wadanka iyo sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka abaarha saameeyey.

Banooda, Melbourne

{mp4}1003{/mp4}