Golaha Samatabixinta Aw-Digil waxa uu halkaan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa iyo
aragtidiisa ku aadan arimaha ku saabsan dhibaatooyinka ka soo cusboonaaday
isbaarooyinka ee deegaanka Yaaqbariweyne ee degmada Wanalweyn. Gaar ahaan
isbaarooyinka yaalada wadada isku xirta Baydhabo iyo Wanlaweyn. Qoraalka hoose
waxaan ku soo gudbiynaynaa mowqifka Golaha Samatabixinta Aw-Digil iyo xaaladda
Gobolka Shabeelaha Hoose.
1. Goluhu waxa uu marka hore ku taageerayaa Dowlad Goboleedka KGS burburinta
isbaarooyinka laga unkay meelo badan oo ka tirsan deegaannada Shabeelaha
hoose iyo sugidda guud ahaan nabadgalyada deegaannada KGS.
2. Goluhu waxa uu halkaan ku cadaynayaa in dadka deggan Gobolka Shabeelaha
Hoose, gaar ahaan beel weynta Digil in ay taageersanyihiin Dowlad Goboleedka
KGS islamarkaasna dadka deegaanka ay ka tirsanyihiin Dowlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoose kala soo deg ward saxaafadeedka
Letter_from_GSAD_24-007_Mowqifka_Digil-09_Septembar_2024.pdf