Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa waxaa si rasmi ah u furay 23 Jannaayo 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo shirka ka jeediyay khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlay arrimaha diinta iyo Dawladda iyo dagaalka ay dowladiisu oo shacabka garabsaneysa ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab isaga oo hoosta ka xariiqay sidii diinteenna suubBan looga ilaalin lahaa xadgudubyada ku dhisan aragtiyo gurracan iyo fasiraado aan meelna kasoo gelin diinta Islaamka.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxaa taabbagelisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee X.F.S. oo fulinaysay ballanqaadka siyaasadeed iyo aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka fikirka Khawaarijta ee kooxaha Argagixisada isaga oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo mideysan in ay caddeeyaan waxa diinta Islaamku ka qabto Khawaarijta iyo fikirkooda huwan magaca diinta Islaamka.
Shirka waxaa ka soo qeybgalay Culimada Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, caasimadda Muqdisho, iyo gobollada Dalka iyaga oo si mas’uuliyada ku dheehan tahay uga soo jawaabay casumaad rasmi ah ee ay u dirtay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee X.F.S.
DOWNLOAD HOOSE:
WARMURTIYEEDKA_SHIRWEYNAHA_CULIMADA_SOOMAALIYEED_-_FINAL_2.pdf