War-Murtiyeed-Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade

Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday qabsoomidda Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade oo hal-kudhigiisu ahaa ‘Wadajirkaa, Jiriteenkeenu ku Jiraa’ kaas oo ka socday magaalada Muqdisho inti u dhexeysay 6-9ka Maarso 2023.

 Shirweynaha Beesha Murusade wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ah Ugaaska Beesha Murusade ee Shirweynaha furay, uguna duceeyay Beesha in Alle barakeeyo, towfiiqdana waafajiyo soona xiray Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade.

Shirweynuhu wuxuu sidoo kale, u mahadcelinya dowrka shariifka ah ee dhaqanka Beesha Murusade ka qaatay suurta-gelinta qabsoomida Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan siyaasiyiinta Beesha Murusade ay kamid yihiin Guddoomiyha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Dr. Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaanada Golaha Shacabka, Xildhibaanada iyo wasiirrada heer dowlad goboleed, iyo dhammaan siyaasiyiinta sharafta leh ee beesha Murusade.

Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa kasoo qayb galka dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Beesha Murusade oo ka kala yimid Gobolada dalka iyo dibeddiisaba si ay kaalintooda uga qaataan Shirweynaha.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Qurbajoogta Beesha Murusade kaalinta mugga leh ay ka qaateen abaabulka iyo qabsoomidda Shirka Wada-tashiga Beesha Murusade walina ay wadaan horumarinta arrimaha beesha.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade sida uu u agaasimaya geedi-socodka shirka, sugidda amniga iyo xaqiijinta in shirka ay kasoo baxaan natiijooyin waxku ool ah.

Shirweynaha ka socday muddada afarta maalmood ah magaalada Muqdisho, waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku qoran:

Hoose Kala Soo Deg Warmurtiyeedka

War-murtiyeedka_Shirka_Beesha_Murusade.pdf