WAFDI KA SOCDA HAYADA ARLAADI AID OO SOO GAAREY WADANKA AUSTRALIA.

Melbourne, 31/07/2016 (banooda), Waxaa dalka Australia soo gaarey wafdi ka socda hayada ARLAADI AID oo u fadhigeeduyahay wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Wafdiga waxay booqoshi rasmi ku tageen magaalada Brisbane halkaasi oo ay kula soo kulmeen Jaaliyada Soomaalida ku nool magaaladaas, halkaas oo si heer sare ah.

Maalmo ka dib wafdiga waxay soo gaareen magaalada Melbourne. Waxaan si wanaagsan u soo dhaweeyey jaaliyada Soomaalida, iyagoo u sameeyey casho sharf oo si fiican loo soo agaasimay.

Wafdiga ka socday ururka ARLAADI AID intii ay ku sugnaayeen wadanka Australia waxay si gooni gooni ah iyo siwadajir ah ula kulmeen qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Somaaliyeed, gaar ahaan masuulinta, odayaasha, xaweenka,aqoonyahanada, dhaliyarada, iyo culimaa-diinka. ARLAADI AID ayaa ka warbixisay sababaha ay u imaadeen wadanka Australia iyo wax qabadkooda intii ay jirtey, sida adeeg guud bulshada (Waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iyo quudinta dadka masaakiinta ah).

Wafdiga ARLAADI AID waxay si wayn ugu riyaaqeen sida wanaagsan loo soo dhaweeyey, waxana mahad balaaran u jeediyeen bulsha waynta Soomaali ee dhaqan Australia.

Jaaliyadaha Somaalida ee magalooyinka Brisbane iyo Melbourne ee wadanka Australia ayaa u sameeyey dhaqaale uruurin (Fund raising) oo loogu talo galay fulinta howlaha adeedga bulshada oo ARLAADI AID ka wado gudaha wadanka Soomaaliya.

Ugudanbeyti waxaa la isla gartey ARLAADI AID in ay ku yeelato farac xafiis wadankan Australia.

Maxamed Nur

Banooda, Melbourne