Tallo Ku Aaddan Go’aannadii Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashiga.

Mudane Madaxweyne-Muddo kororsigu wuxuu ka mid yahay afar aafo siyaasaddeed oo halis ku ah dowlad dhiska curdanka ah ee dalkeenna. Seddaxda kale waa in ciidanka loo adeegsado siyaasadda, la xiro saaxada siyaasadda, lana beddelo nidaamka siyaasaddeed ee dalka.

Sababtuna waa in afartaaba ay astaan u yihiin kali-talisnimo iyo xukun isku koobid duminaya tiirarka taagta darran ee ay ku taagan tahay dowladnimada dalkeenna.

Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) uu gaaray ee ah in shacabka awoodda loo celiyo oo doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto waa tallo wanaagsan, waafaqsanna dastuurka dalka, laakiin habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee uu Goluhu soo saaray waxay baalmarsan yihiin qoddobka 47-aad ee dastuurka dalka ee dhigaya in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah uu leeyahay awoodda dejinta shuruucda la xariirta xisbiyada, iyo doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah.

Wuxuu kaloo Goluhu muddo kordhin u sameeyey dowlad Goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, taaso jebinaysa dastuurka federaalka ah iyo kan dowlad Goboleedka intaba.

Download the file below:

Tallo_ku_aaddan_goaannadii_kasoo_baxay_shirkii_GWQ_1.pdf