Melbourne, 30 July 2022 (banooda), saacadu markay aheyd 6PM waxaa shir lagu qabtay magaalada Melbourne, Australia, One Stop Kebab And Café 384-390 Barry Rd, Coolaroo VIC 3048. Shirka waxaa ka soo qayb galay culumaa diin, aqoonyahano, wax-garadka, odoyaasha, ganacsato, iyo dhalinyarada.
Waxaa shirka loogu hadlay dhowr arrimood oo muhim ah kuna saabsan dhibaatooyinka jira iyo qaabkii xal waafi ah loogu gaari lahaa, iyo guud ahaan horumariinta bulshada.
Ugu dambayn waxaa shirka lagu soo dhisay guddi maamul oo ka kooban shan xubnood oo kala ah Guddoomiye, Guddomiye ku Xigeen, Khasnaji, Xoghaye, iyo Xiriiriyaha Arrimaha Bulshada.
Shirka waxaa lagu soo dhisay urur lagu magacaabo Somali Ethnic Community Council In. Golaha Qoomiyada Somalia.
Waxaan lagu heshiiyey in shaqsi kasta laga qaado dhaqaale xubinimo (Membershp fee) iyadoo kharashka dib lagu soo sheegi doono.
Ururka waxaa loo furi doono xisaan (Account) oo saxiixiyaal ka noqon doon laba (2) xubin oo ka mid guddiga maamulka (Khasnajiga iyo Xoghayaha).
Howlaha iyo ujeedooyinka ururka oo qeexan dib ayaa laga soo sheegi doona, In Shaa Allah.
Guddiga Maamulka:
1. Awes Sheikh Muheidin Amin-Guddoomiye
2. Mohamed Ibrahim (Xassan Sydney)-Guddoomiye K/X
3. Sharif Cabdisalam-Xoghaye
4. Maxamed Xussein (Mato)-Khasnaji
5. Dahir M Nur (Ufurow)-Xiriiriyaha Arr. Bulshada
Wa
Wa Bilaahi Al-Towfiiq
Sharif Cabdisalam
Xoghayaha Guddiga Maamulka SEEC