QORAAL, SAWIRO & VIDEO-SHIR CAMBAAREYN MAAMULKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

04/09/2017 (banooda), Melbourne-Waxaa shir lagu qabtay magaaladda Melbourne, Australia, shirkaas oo lagu cambaarayey maamulka oo madaxda ka yahay Mudane Sharif Xassan Sheikh Aden. Shirka waxaa ka soo qayb galay jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya (Aqoonyahanda, wax-garadka, culumaadiinka, malaaqyada, xaweenk iyo dhalinyarada) ku nool magaaladda Melbourne.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu cambaareyey arrimaha ay ka mid yihiin:-

*Horumar la’aanta ka jirta iyo waxqabad oo aan muuqan mudadii la dhisay maamulkaas oo laga joogo saddex sano. Maamulka waxuu ka gaabiyey in uu wax ka qabto adeega guud ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, wadooyiinka, biyaha, isgaarsiinta, tamarta, iyo dhaqaalaha (Beerha, xoolaha iyo wax-soosaarka, iwm).

*Abaarta, gaajada iyo nabaad-guurka ka jirta gobolada KG-Waxaa la ogsoon yahay in dad badan ay ka soo barkaceen meelihii ay deganaayeen sabab nabadgelyo xumo, gaajo iyo biyo la’aan. Barakacayaasha GK waxay ku baahsan yiihin magaalooyinka waa wayn ee Soomaliya. Waxaa la ogsoon yahay in nabaad-guurka ugu badan Soomaaliya in uu ka jiro gobolada Koonfur Galbeed. Maamulka KG waxuu xil iska saaray ma jirto arrimahaas oo dhan.

*Tayo la’aanta iyo aqoon darida guud ahaan Maamulka KG. Maamulka GK waa maamulka ugu liita tayo ama aqoon ahaan maamulada ka jiraan Soomaaliya. Taas oo wehlisa in ay maamulka iyo baarlamaanka ku jiraan dad aan u dhalinin deegaanada Koonfur Galbeed.

*Amaanka ama nabadgelyada GK-Deeganada KG wax amaan ama nabadgelyo kama jirto, iyadoo ciidamo tiro badan ku sugan yihiin gobolkaas. Magaalo maagaalo kale u gudbi karto ma jirto gobolada KG. Dad badan waxay ka soo barakaceen deegaankooda amni daro darteed, iyadoo wadooyinka qaar isbaar u taalo dad ku labisan labiska ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

*Dastuurka oo lagu xad gudbay. Dastuur oo aan lagu dhaqmaynin waxaa laga helaa Maamulka Koofur Galbeed, iyaddo dastuurka lagu tuntay oo marna la dhaqan gelinin.

*Xildhibaanada KG oo waajibkooda gudan waayeen. Xildhibaanada Koonfur Galbeed danta guud waxay ka hormariyeen dantooda gaarka ah.

*Dhibtaatada ka jirta Gobolka Shabeelada Hoose-Xasuuqa, dhaca, bililaqada, dilka joogtada ah, kofsi, isbaaro, iyo dhul/beero boob oo xad dhaaf ah, taas oo  Maamulka KG ee Soomaaliya waxba ka qabanin ilaa iyo maanta.

Ugu damabayntii, waxaa lagu baaqay in:-
*Xildhibaanada Koonfur Galbeed waa in ay danta gaarka ka horumariyaan danta guud, islamarkaas muujiyaan wax qabad dhab.
*In si deg-deg wax loogu qabto dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatooyinka la soo xusay.

*In maamulka lagu wareejiyo ama loo dhiibo dad ehel u ah dowladnimada iyo maamulka oo tayo/aqoon leh, daacadna ah.
*In si deg-deg wax loogu qabto dhibaatada ka jirta gobolka Shabeelada Hoose.
*In la qabto shirwayne oo aye ka soo qayb galayaan dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

banood