1. Sharcigan waxaa lagu magacaabaa: “Sharciga La-dagaallanka Argagixisada”.
2. Ayada oo laga anbaqaadayo, waxyeellada iyo dhibaatada aadka u baaxadda weyn ee ka dhashay falalka ay argagixisadu ku beegsatay diinta, dhiigga,
hantida, xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kalena, laga anbaqaadayo in hannaanka dawladnimada Soomaaliya ku salaysnaado sarreynta sharciga, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah; ayaa waxaa lama huraan noqday in la soo saaro sharci ujeeddadiisu tahay:
a. La-dagaallanka,kahortaggaiyociribtirkahawlahaargagaxisanimo; b. Xakamaynta fal-dembiyeedka ka dhasha argagixisanimada; iyo
c. In argagixisada caddaaladda la horkeeno, si waafaqsan sharciga.
Qodobka 2aad: Awoodda Sharcigan
* 1) Sharcigan waxaa lagu dabbaqayaa dhammaan hawlaha iyo fal- dembiyeedyada argagixisada ah.
* 2) Arrimaha aan Sharcigan lagu xusin waxaa loogu noqonayaa Xeerarka Ciqaabta, Sharciga ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada iyo qawaaniinta kale ee khuseeya arrimahaan ee dalka.
* 3) Sharcigan wuxuu ka dhaqangalayaa dhammaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
* 4) Qodobbada Sharcigan ayaa lagu dhaqayaa qof kasta oo gala fal- argagixisanimo, kana dhaca dalka Soomaaliya dibaddiisa; haddi la helo xaaladaha soo socda:
HOOSE KA DEGSO NAQUULKA (DOWNLOAD THE FILE BELOW)
Hindisaha_La_Dagaalanka_Ar._Last__final..pdf
Hindisaha_La_Dagaalanka_Ar._Last__final._1.pdf