Muqdishu 20/08/2018 (banooda)-Illaa 106 shaqaale oo ka shaqeynayay qeybaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga ceyriyay xafiiska, iyagoo liiskooda la soo dhejiyay, waxaa feylashooda loo gudbiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka, si dib u eegis loogu sameeyo,
isla markaana hey’adaha kale ee dowladda loogu wareejiyo.Bilo ka hor ayaa sidan oo kale Madaxtooyada Villa Somalia laga soo eryay shaqaale fara badan, kuwaasoo liiskooda loo gudbiyay Guddiga shaqaalaha rayidka, si ay wasaaradaha kale ee dowladda loogu qoro, waxaana qaarkood la sheegayaa in aan weli la meeleyn oo aan lagu kala qorin wasaaradaha dowladda.
Isse Mohamed Mohamud
banood, Muqdishu