QARSOODI-WARBIXIN XAALADDA SAFAARADDA RUUSHKA

Warbixintan waxa ay muujinaysa xaaladda shaqo ee Safaaradda Soomaaliya ee Ruushka oo uu Safiir kayahay Md Hassan Abdi Daud Galool, taas oo noqotay mid

ka gudubtay xayndaabkii diblomaasiyadeed iyo ujeedkii shaqo ee loo igmaday. Xogaha ay Xambaarsantahay warbixintan waa mid heer sare ah oo laga helay qaarbadan oo kamid ah gacanta koowaad (Primary Resource). Warbixintu waxa ay tibaaxaysaa in Safaaradda ay aafaysay khiyaanooyin qaran iyo musuq maasuq baahsan oo heer sare ah. Waxyaabaha ay warbixintu soo bandhigi doonto waxaa kamid ah: Kamacaashid (Kirayn) Taarikadda Safaaradda, Soo dajin gawaari danbiilayaal ajaanib ah leeyihiin, Tahriibin Muwaadiniin Soomaaliyeed, Shaqaalaysiin Kooxo Maffiya ah oo dambiilayaal heer gobo ama heer caalami ah, ku lug lahaansho lacago sharci darro (Money Laudering), iyo ku takri fal awoodeed oo dhanka diblomaasiyiinta aanan afkaarta la ahayn Danjiraha ah.

Xog_QARSOODI_PDF.pdf