MAXAY GALABSADEEN OO LAGA GOYNAYAA?

Waxaa induhu daawanayaan ruuxuna dul joogaa, Ma dadkaa dareenkiyo ka dhaamatay damqashadii?
Ma dalkey neceenoo, danna aan u biday dareen igu soo duxayoo aan rabo inaan dad weynaha la
qeybsado.

Inkastoo aan ahay qurba ku nool haddana wuxuu qalbigayga u dhuun daloolaa la socodka xaaladdaha
nololeed ee shacabka reer Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwooda maatida ah sida agoonta iyo
hooyooyinkooda, waayeelka, curyaamiinta, dan yarta iyo kuwa dadka iska indha tiray awoodda Allah
ula baxeen magaca ah “Looma Ooyaan-ta”.
Markaan doc walba ka rogrogay oo sabab kasta aan dul joogsaday waxaan waayey wax cudur daar ah.
Waana tan igu dhalisay inaan akhristayaasha maqaalkan weydiyo: BAL MAXAY GALABSADEEN
OO LAGA GOYNAYAA?
Akhristow waxaan kuligeen ka warqabnaa in Baydhabo (iyo Guud ahaanba geyiga Koonfur Galbeed)
iyo dadkeeduba soo mareen dulmi, dagaalo, boob iyo hagardaamo aan loo meel dayin oo saameysay
dhamaan shacabkii xalaal quudatada ahaa oo ahlu diinka ahaa taariikhda Soomaaliyana aan lagu
heynin in ay dad ama deggaan ay dulmi ugu duuleen oo dad ku dhaceen ilaa iyo inay is-difaacaan ma
oggiye.
Marka arrimaha noocaas dhacaan waxaa sida caqliga saliimka ah ina barayaan in shacabku bislaadaan
oo kala gartaan xabiibkooda iyo xaasidkooda., u istaaganaa sidii ay uga hortagi lahaayeen aafooyinka
meel walba uga soo socda.
Dhibaatooyinka shacabka deggaandaas heystaa waa tiro badan yihiin oo waxaa 90% maqan adeegii
aasaasiga ahaa ee Bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed heystaan sida adeega caafimaadka, biyaha,
beeraha iwm
Akhristow ma ogtahay in ka badan 56 sano (intii xoriyadda la qaatay) ka dib in weli HOOYO
SOOMAALIYEED OO DA’YAR AY KU UMMUL RAACDO MAGAALADA BAYDHABO IYO
DEGAANADA KALE EE KOONFUR GALBEED.
Mase ogtahay in badan oo Allah ka badbaadiyey fooshii ay la il daran yihiin in KAADI
HEYSTOODA IYO QEYBTA SAXARADU ISU FURMEEN oo saxaradoodu soo raacdo kaadida.
Dhibaatooyin caafimaad oo mid jir iyo mid maskaxba (Depression) ka qaadeen oo sidaa kii qabayna
uga dhaqaaqay naag kalena ka guursaday.
Allah ayaa wax badbaadiya, waxaan hubaa in Geeridaa, baroorta iyo gablankaa maalin walba taal
Baydhabo in dumarkaa la badbaadin karay haddii la heli lahaa shacab dantooda guud u heelan,
madax dadka u damqada, ganacsato Allah iyo Rasuul taqaan, Qurba Joog waddani ah, Aqoon
yahan dib u guda abaalki loo galay, Suxufi aan siyaasad ku mashquulin una heelan inuu afhayeen
u noqdo maatida, Culimo dadka ku wacdisa Midnimada iyo Dumar u is-taaga wax ka
qabashada geerida ummul raaca ah ee maalin walba gabar 18 jir ah oo da’dii ugu horeeyay ku
ummul raacdo. Bal aan mid-mid u soo qaato.
1. SHACABKA IYO HOGGAAMIYA
DHAQAMADEEDYADA
Ilaahey wuxuu Quraankiisa Kariimka ah inoogu sheegay “Allah Qowm ma beddelo ILAA ay iyagu isbeddelaan”.
Kiina xun iyo kina fiicanba idinkuu idin ka dhasahy. Haddaadse kuwiina idinka xumaa
aad u doorataan inay idin hoggaamiyaan hadee haddii la idin gacan bidxeeyo oo aan waxba la idiin
qaban cidina ha eedina ee mirahaad beerateen gurta.
Mid oggaada “Ugaasnimo waa nin iibsaday iyo nimuu Eebaheey u ishaaray”. Xildhibaan ama
madax kasta oo kursiga lacag kaaga iibsaday haka sugin inuu adiga danahaada ka shaqeeyo ama aad la
xisaabtami kartid. Lax weliba shalalkey is-dhigtaa lagu gowracaa.
2. MADAXDA SIYAASADDA EE DEGAANADA
KOONFUR GALBEED
Waa hubanti in tiro aad iyo aad u yar oo idinka mid ahi uu weli ku dambeeya damiir damqada laakiin
aan rabin inay talaabo qaadaan sababo aan fahmi Karin awgeed.
War siyaasigow, haddii waxqabad la’aantaadu shacabku u dhamaanayo oo aad tii ALLAH iyo dhaartii
aad Quraanka ku dhaaratay aad meeshii aad ku dhaaratay uga soo tagtay yaad xukumeysaa, xeradaada
dad iyo duunyo ba waa kuwa silic u dhintay iyo kuwa dhabihii ku taagan.
Waxaan madaxda su’aalayaa waxaan dhowr jeer ka aragnay TV-yada iyo Website-yada in Dowladda
Turkiga iyo Sacuudiguba ballan qaadeen inay Baydhabo ka dhisaan Cusbitaalka Haweenka iyo
Carruurta aad u weyn oo baahi tiro dadka ku nool deggaankii la isku dhihi jiray Jubbada Sare. Maxaa
hakiyey ama hor taagan in Cusbitaaladaa la dhiso? Ma dano shaqsiyadeed (Sida anaga shirkaddeena
qandaraaska halagu siiyo, ama marka hore aniga waxayga hala ii cadeeyo iwm)ayaa hortaagan?
Shacabka iyo Hoggaamiya dhaqameedyada maxay la hadli la’yihiin oo aysan ula xisaabtameynin
madaxdooda. WAR XAGEEY SALAADDU ISKA QABAN LA’DAHAY?.
3. GANASATADA IYO SHIRKADAHA KA
SHAQEYSTA DEEGAANKA
Runta Rabbi baa nagu jecel, meesha shacabka Koonfur Galbeed ka kici la’yahay waa ganacsatada iyo
shirkadaha ka shaqeysta deggaanadaas.
Waa su’aalee dadka Koonfur Galbeed miyeysan Muslim ahayn?, miyeysan sadaqada iyo zekada ku
bixin?, miyeysan xaq u lahay inay helaan nolol sida gobolada kale ee Soomaliya? MAXAY
GALABSADEEN OO LAGA GOY NAYAA?
Tusaale: Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 30/12/16 ka daawaday Universal TV in deeq raashin ay
shirkadda Hormuud ah gaarsiisay dad walaalaheen ah oo deggan Galmudug. War kuwa Baydhabo biyo
la’aanta iyo abaartu ku heyso miyeysan dad Soomaaliyeed ahayn.
Walaalayaal marnaba wax la qaadan karo ma ahan in deegaanka Koonfur Galbeed laga ganacsado oo
zakadii ka soo baxday faa’idadaas laga mamnuuco.
Waxaan maalin walba ka daawanaa TV yada in Shirakadaha tunka weyn iyo ganacsataduba ka dhisaan
wadooyin, dugsiyo, cusbitaalo, ceelal iyo baraagooyin, garoomo lagu ciyaaro gobolada kale sida
Somaliland, Puntlan, Galmudug, Jubbaland, iyo Banadirba.
Haddaba maxaa la gudboon shacabka degaanada Koonfur Galbeed? Fadlan fadhiga ka kaca oo
XOR baad u tihiin inaad JOOJISAAN inaad isticmaasho ama aad iibsato ganacsiga dadka aan
deggaanka wax u qaban ama ha ahaadaan kuwa sheegta inay dhulkaa u dhasheen ama ha ahaadeen
kuwa u soo shaqo tagay sidii inaad tihiin South Sudan.
4. QURBA JOOGTA IYO AQOON YAHANADA
Walaalaheyga Qurbajoogta iyo Aqoonyahanada waxaan u sheegayaa “Haatoy” iyo “Doo” aan ficil la
soconin degaankeena ma dhisto, dadkeenuna ma daryeesho (BIYO SACABADAADAA LOOGA
DHERGAA).
Haddaad u oggaan lahaydeen waxa manta ka taagan deggaankeena ka siyaasad ahaan iyo ka adeegga
bulshada ahaa wax badan waad ooy laheedeyn. Waxa maantu arrinku taagan yahay “Allaysa
Cindikum Rujaal”. War ma hilmaanteen taariikhdii madoobeyd ee “City of Death”?
Walaalayaal siyaasadaan ah kan taageer (oo waxaad ku taageeri oo aan qabiil ahayn jirin) kana
mucaarad oo facebook- yada ka caay intaad iska dhaaftaan dadkiina wax u qabta. Haddii kale
xerooyinkii Qaxootiyada ee Xamar, Puntland iyo Somaliland waa maran yihiin. Abaar iyo biyo
la’aanna waa bilaabatay. Waxa loo xaaq-xaaqanaayo xerooyinkaas waa dadkiina oo la rabo in NGO
yada lacag looga qaato. Weli ma aragtay Reer Puntland, reer Somaliland and reer Galmudug oo
xerooyin qaxooti looga ooday Xamar? War miyeydaan damiir lahayn oo aydan ka damqaneyn dadkiina
oo xerooyin lagu ootay (Shame on you)
War hadii cudurka Qabyaaladda jirkaaga ku faafay sidii Leukaemia, war xitaa agoonta ama dadka
saboolka ah ee Jufadaada wax u qabo. NBB la soo xiriir anagaa kuu balanqaadeynaa inaan saboolka
jufadaada ah kuu helno.
5. HAWEENKA KOONFUR GALBEED
Waa kooxda keliya aan is leeyahay wax waa qaban karaan. Gabdhaha walaalaheyga ahoow ama dalkii
joog ama qurbaha joog cidda dhibta raggu geystay ku dhaceyso waa idinka, carruurtiina iyo
waayeeladiina.
Maxaad la aamusan tihiin? Maxaa idinka hortaagan inaad Dalka iyo Dibaddaba isku xirnaataan oo aad
soo bandhigtaan awooddiina?
Ha oggolaaninna in hooyo dambe ay Koonfur Galbeed ugu umul-raacdo daryeel la’aan. Sandule
lacagta uga qaada ragga madaxda ah, ganacsata iyo shirkadahooda iyo qurba joogtaba.
Waxaa maanta Somali kala hormariyey waa HAWEENKA. Tusaale (midka ugu yar) dayactirka
waddada ku taala Xamar ee Jeneraal Daa’uud waxaa ku baxday boqolaal kun oo dollar. Waxaana
lacagtaas soo aruuriyey Haween sidiina oo kale ah. Xaggiina dhaxan baa iga soo galeyso ee iga
daboola.
Waxaan nafteyda iyo tiinuba kula dardaarmayaan Cabsida Allah iyo u gargaaridda HAWEENKEENA
uurka leh ee ku dayacan Baydhabo.
“Abkuu doono ha sheegto’e wuxuunbaa EHEL ii ah DAD ninkaan af-aqaanee si wax iila arkaayee
na MIDEYSO ujeeddo” Mohamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Walaalkiina
Dr Aweys Cabdi Jidle
Aasaasaha ahna Xiriiriyaha Guud ee Naadiga Baayazaaniyiinta Baydhabo (NBB)
Perth, Western Australia.
Email: ciyaalbaydhabo@gmail.com.