Garawe, 11/04/2016 (banooda)-Golaha Badbaadada koonfur galbeed ayaa todabaadyadan safar ku marayey Deegaanada Maamulka Puntland ,iyagoo u kuurgalayey xaaladaha dhibaato ama tacadiyo la sheegey in ay la kulmeen Bulshada kasoo geed Koonfur Galbeed. Wafdigaas waxaa hogaaminayey Idriss Cabdi Dhaqtar , Caasha Abuukar Qasin iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) oo ka kala socdey dalka dibadiisa iyo gudahiisa, Golaha Badbaadada KG waxay la kulmeen dhamaan xubno kamid ah
Masuuliyiinta Madaxtooyada , Golaha Wasiirada sib Wasaarada Amniga , Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqal insaanka, Xafiiska Madaxbanaan ee Xaquuqal Insaanka , Xafiiska Legal Aid , Xafiiska PRDC iyo Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka , Dhamaan waxaa laga wadahadley sidii loo ilaalin lahaa xaqa uu leeyahay Muwaadan Kasta ee ku nool Puntland iyo xaquuqda lagu leeyahay , iyadoo bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed sidey u heli lahaayeen nabadgelyo iyo in la ilaaliyo Ganacsigooda iyo goobaha ay ku leeyihiin Mehradooda Ganacsi .Golaha Badbaadada KG ayaa booqdey xabsiyada Maamulka Puntland ee ay ku jiraan Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed , Golaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey goob waliba ay tagaan , Waxaan Tagney Goob ay kujiraan Caruur da’dooda ka yar 15 sano , goobtaas oo loogu sameynayo Xanaano Gaar ah, Golaha Badbaadada KG ayaa soo qorey Magacyadooda iyo Deegaanada ay ka yimaadeen ama Qabiilka ay yihiiin , Golaha Badbaadada KG ayaa waxuu la xariirayaaa dhamaan Caruurta Waalidiintooda kuwaasoo ku sugan Deegaanada Koonfur Galbeed.Gebagebadii wafuuda Golaha Badbadada ayaa u ambabaxey deegaanada Kale ee katirsan gobalka Nugaal iyo Maamulka Soomaaliland
Idriss Cabdi Dhaqtar
Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed