FINAL VERSION – SHARCIGA DOORASHOOYINKA

CUTUBKA 1AAD: QODOBBO GUUD
Qodobka 1aad: Magaca Xeerka
Xeerkan waxaa lagu magacaabaa Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya
Qodobka 2aad: Qeexid
1. Xeerkan gudihiisa haddii aan si kale loogu qeexin, ereyada soo socda waxa ay leeyihiin
macnaha ku hor qoran:
a) Dastuur: Waxaa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya;
b) Dowlad: c) Qof: sharcigu d) Doorasho: muwaadiniinta Waxaa loola jeedaa dhammaan hay’adaha heerarka kala
duwan ee Dowladda JFS;
Waxaa loola jeedaa bani’aadam caqli leh ama shakhsi
sameeyey (hay’ad leh shakhsiyad qaanuuneed)
Waxaa loola jeedaa hannaanka qof iyo cod ee
JFS ugu codaynayaan si loogu kala guulaysto jago
siyaasadeed oo loo tartamayo;
e) Xisbi: Waxaa loola jeedaa sida lagu qeexay xeerka ururrada iyo
xisbiyada siyaasadda;
f) Urur: Waxaa loola jeedaa sida lagu qeexay xeerka ururrada iyo
xisbiyada siyaasadda;
g) Wakiil: Waxaa loola jeedaa wakiillada xisbiyadu/ururradu u soo
dirsadaan la socodka xarumaha iyo goobaha ay ka
dhaceyso diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo codeynta
h) Guddiga: Waxaa loola jeedaa Guddiga Madaxa-bannaan ee
Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha;
i) Goobaha codbixinta: Waxaa loola jeedaa dhismo kasta, qaybka mid ah dhismo,
guri ama goob xiran oo loogu tala-galay in lagu qabto
codbixinta inta ay socdaan hawlaha codbixinta;

Hoose kala soo deg naquulka
FINAL VERSION – SHARCIGA DOORASHOOYINKA