FINAL VERSION – SHARCIGA DOORASHOOYINKA

CUTUBKA 1AAD: QODOBBO GUUD
Qodobka 1aad: Magaca Xeerka
Xeerkan waxaa lagu magacaabaa Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya
Qodobka 2aad: Qeexid
1. Xeerkan gudihiisa haddii aan si kale loogu qeexin, ereyada soo socda waxa ay leeyihiin
macnaha ku hor qoran:
a) Dastuur: Waxaa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya;
b) Dowlad: c) Qof: sharcigu d) Doorasho: muwaadiniinta Waxaa loola jeedaa dhammaan hayโ€™adaha heerarka kala
duwan ee Dowladda JFS;
Waxaa loola jeedaa baniโ€™aadam caqli leh ama shakhsi
sameeyey (hayโ€™ad leh shakhsiyad qaanuuneed)
Waxaa loola jeedaa hannaanka qof iyo cod ee
JFS ugu codaynayaan si loogu kala guulaysto jago
siyaasadeed oo loo tartamayo;
e) Xisbi: Waxaa loola jeedaa sida lagu qeexay xeerka ururrada iyo
xisbiyada siyaasadda;
f) Urur: Waxaa loola jeedaa sida lagu qeexay xeerka ururrada iyo
xisbiyada siyaasadda;
g) Wakiil: Waxaa loola jeedaa wakiillada xisbiyadu/ururradu u soo
dirsadaan la socodka xarumaha iyo goobaha ay ka
dhaceyso diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo codeynta
h) Guddiga: Waxaa loola jeedaa Guddiga Madaxa-bannaan ee
Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha;
i) Goobaha codbixinta: Waxaa loola jeedaa dhismo kasta, qaybka mid ah dhismo,
guri ama goob xiran oo loogu tala-galay in lagu qabto
codbixinta inta ay socdaan hawlaha codbixinta;

Hoose kala soo deg naquulka
FINAL VERSION – SHARCIGA DOORASHOOYINKA