Muqadishu-16/04/2018 (banooda)-Sharif Maxamed Cabdalla Xussein waa musharixii ugo horeyey ee shaaciyey in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya . Xildhibaanka ayaa muddo ku dhow 40 sano waxuu ka soo shaqeyey howlo la xiriira maamulka iyo maareynta hay’ado kala duwan. Waxaan aaminsanahay in Xil. Sharif Maxamed Cabdalla in uu yahay shaqsiga ugu haboon in loo doorto xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Xil. Sharif Maxamed Cabdalla waxuu horey ugu soo shaqayey dowladda Hoose Muqdishu xeer agaasimo waaxyo kala duwan, madax hay’ado caalimi ah, madaxa hay’ado waxbarashada, Xildhibaan Golaha Shacabka muddo 12 sano, iyo madax/xubin guddiyo kala duwan xeer qaran ee Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga Horumariinta Adeega Bulshada, Gudoomiye horumariinta adeega bulshada.
Xil. Sharif Maxamed Cabdalla waa shaqsi aan aqoon fiican u leeyhay oo in mudda ah ka soo wada shaqaynay Dowlada Hoose Muqdishu. Xildhibaanka waxuu mudan yahay in loo doorto xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.Xil. Sharif Maxamed Cabdalla Xussein waa shaqsi leh aqoon iyo waayo-aragnimo maamulka, maareynta iyo shariciga, kuna wayntahay Islaamnimada/Soomaalinimada/dowladnimada/midnimada, waa shaqsi ku sifowaye akhlaaq, asluub iyo deganaasho, aamin/daacad ah, karti iyo hufnaan leh, geesina ah, hal-abuur leh, ixtiraam badan, codkar ah, run-sheeg ah, waajibkiisa si wadanimo u guta, aaminsan kala-dambeynta, cadaalada/sinaanta iyo Allah ka cabsiga ku dheeratahay, qabyaalada ka fog, una gargaara ama daryeela dadka dan yarta, waa shaqsi ku wanaagsan xalinta dhibaatooyinka, iwm.Xildhibaanada sharafta leh, waxaan ka codsanayaa in aye codkooda siiyaan Xil. Sharif Maxamed Cabdallah Xussein oo loo doorto xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Umadda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in gacan buuxda ku siiyaan arrintani Sharif Maxamed Cabdalla Xussein.Wa Bilaahi Al-towfiiq