Muqadishu 18/08/2018 (banooda)-Koonfur Galbeed waxey wajaheysa maalmo doorasho ah, musharaxiin badan ayaa la filaya iney isu soo tagaan hogaanka maamulka dhulkiisa ay inta badan xooga ku joogaan Al Shabaab.
Waxaa jira gadood iyo ganuunac ka imaanaya qabiilada qaar kuwaas oo aaminsan in Shariif uusan beel ahaan mar labaad u mudneyn kursiga, sidoo kale waxaa jira beelaha qaar oo aaminsan inuu yahay kaligii taliye waxaana ay qabaan in xukunkiisa lasoo afjaro.Fargeeti, Jawaari iyo Maxamed Mursal ayaa laga yaabaa iney markaan isku dhinac maraan si ay xukunka uga tuuraan Shariifka, sidoo kale Dowlada dhexe ayaa la filaya iney iyaduna ku biirto dagaalka lagu saarayo Shariif Xasan Shiikh Aadan. Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle waa ku kala qeybsan yihiin in la badalo Shariifka.Hadaba doodu waxey tahay ma u baahan tahay Koonfur Galbeed in Shariif Xasan la saaro, jawaabtu waa haa marka laga tusaale qaato qaabka dhismaha ee maamulkiisa, dhaqaalaha, amiga iyo meesha mustaqbalka loo rabo Koonfur Galbeed.Wargeyska MEP wuxuu wareystay ilaa 10 muwaadin oo waxbaratay oo reer Koonfur Galbeed ah waxaana ay sheegeen in Shariif Xasan uu si xoogan dib ugu dhigay deeganada maamulka. Siyaasiyisiintu waxa ay iyaguna ku andacoonayan in Koonfur Galbeed uu yahay maamul aanan shaqeynin oo hal nin uu jeebka ku wato.Waxaa kaloo lagu eedeeya inuusan maamulkiisu isku taxluujin inuu deeganada maqan kasoo celiyo gacanta Al Shabaab. Sidoo kale waxaan shaqeynin inta badan xurumaha Dowlada. Waxaa loo arkaa Koonfur Galbeed maamul hal qof jeebka ugu jira oo uu gor gortan siyaasadeed ku galo mar walba.
banooda, Mogadishu