Walxaha dabiiciga ah ee waaweyn ee laga arki karo cirka waxaa ka mid ah muuqaalada waaweyn ee dhulka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dhismayaasha waaweyn ee bini’aadamku sameeyeen, sida taallooyinka ahraamta Masar iyo Darbiga Weyn ee Shiinaha.
Marka la barbar dhigo, Kacbada — oo ah dhismaha ugu barakaysan Islaamka ee ku yaal magaalada Makka ee Sacuudi Carabiya — ma aha dhismo aad u dheer, hase yeeshee waxaa la leeyahay in sidoo kale laga arki karo samada.
Danald Pettit, oo ah saynisyahan NASA ka tirsan iyo sidoo kale sawir-qaade, kana soo laabtay socdaal 220 maalmood ah oo uu ku joogay saldhigga caalamiga ah ee samada heehaaba (ISS), ayaa baraha bulshada ee X ku baahiyey sawir dunida oo dhan si weyn ugu faaftay.
Pettit oo sawirka la wadaagaya ayaa qoray:
“Muuqaalka magaalada Makka ee Sacuudi Carabiya laga arkay cirka. Waa bartamaha dunida iyo meesha ugu barakeysan Islaamka — taas oo sidoo kale laga arki karo cirka.”
Kacbadu waxay leedahay muunad gaar maadaama ay tahay qiblada Muslimiinta, waana mid ka mid ah meelaha loogu booqashada badan yahay dunida booqda.
Sawirka waxaa wadaagay boqolaal qof, waxaana dad badani aad ula yaabeen ileyska ka soo bikaacaya
Xigasho: BBC Somali
