Shabeellaha Dhexe, Maarso 11, 2025 – Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
(CDS) oo kashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgal dugeyn ah oo si gaar ah loo gorsheeyay, kaas oo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Khawaarijta.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Damasha, Shabeelow e gobolka Shabeellaha
Dhexe, halkaas oo lagu dilay horjoogihii u qaabilsanaa kooda dhanka gaadiidka dagaalka.
Howlgalka ayaa lagu khaarijiyay Mansoor Tima-Weeyne, oo ahaa maskadii ka dambeysay isku-diyarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka,
Mansoor ayaa dhowaan ka yimid degaanka Buulo Fulay, waxaana waday gaadiid la dayactiray oo kooda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada.
Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale la dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tisan Khawaarijta, kuwaas o ku sugnaa goobta al dugeeyay. Waxaa al burburiyay saddex gaari o dagaal, kuwaas 0o ay kooxda uadeegsan jirtay weerarradeeda:
Gaadiidka ayaa ka koobnaa laba gaari Cabdi Bile ah, o ay saarnaayeen goryaha waaweyn e Suuga iyo Dhashikaha iyo gaari kale o ay kooxa uadeegsanjirtay dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka ayaa si xeel dheer loo gorsheeyay, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa xubnaha sare ee Khawaarijta. Taliska CDS wuxuu caddeeyay ni duqeyntani ay dhabar-jab weyn ku tahay awoodda dagaal e kooxda, ayna qayb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo argagixisada.
DHAMMAAD.
Tel: 252-618866627 Email:snaradio@xds.gov.so
