Waxay ila tahay waxyaabaha dib u dhigay horumarka waddanka Soomaaliya waxaa ka mid ah arrimaha hoose ku qoran :
* • Dowlad awoodeeda iyo waxqabadkeeda yaryahay
* • Caddaalad darro baahsan iyo garsoor tayo lahayn oo laalush u nool ah
* • Xasilooni darrida ama degganaasho la’aanta siyaasadda
* • Nabad-galyo xumo & xasilooni/amni darro
* • Guud ahaan maamulka iyo maaraynta hay’adaha oo aan tayo lahayn
* • Faragalin dowlado shisheeye iyo hayado caalimi ah
* • Qabyaaladda, eexda, qaraabo kiil, faquuqa, isir-naceeb, iyo cunsiriyadda
* • Danta guud oo laga hormariyo danta gaarka ah iyo daacadnimada oo yaraatahay
* • Musuq-maasuq/dhaca iyo boobka hantida ummadda
* • Adeegga guud ee bulshada (Waxbarashada, caafimaadka, biyaha, tamarta, isgaarsiinta) oo tabaalaysan
* • Hirgelin iyo adkayn la’aanta shariciga iyo kala dambaynta
* • Howl-wadeenada dowladda oo aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo, kuwaas oo lagu meeleeyay qabiil, qaraabannimo, ama laaluush
* • Xaalufka/nabaad guurka iyo fasaqaadka deegaanka (Environment pollution)
* • Dhacdooyinka dhabicga, sida fataxaadda, abaarta, macluusha, cudurrada, roobka mahiigaanka, iwm oo aan ka hortag ama maarayn wanaagsan lahayn
* • Dagaallada kala duwan oo joogtada ah (Beeleed, diimeed, siyaasadeed, dhuleed, dhaqaaleed, iwm)
* • Shaqo la’aan oo baahsan iyo wax-soosaarka oo yar
* • Khayraadka waddanka oo aan laga faai’daysanin
* • Wada shaqayn liidato dowlada dhexe, maamul gobolyada iyo hayadaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn
* • Isticmaalka tiknoolijiga casriga oo aad u yar
* • Shilinka Soomaaliga oo la bahdilay iyo isticmaalka lacagaha shisheeye iyo sicir bararka oo aad u sareeyo.
“Ummad Waliba Aayaheeda In Ay Garato Iyadaa Leh”