WAR-MURTIYEED-Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa

1. Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa
khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii Dastuurka.
2. In meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagexisada ah ee Al-
shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jirtaanka qarannimo iyo
dowladnimada ee dalkeenna.
3. In dowlad goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in
ay qayb ka noqdaan wadahadalka qaran.
4. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu
yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka
Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012.
Madashu oo ka barigantaalaysa qodobbada kor ku xusan ayaa wadahal la furtay
Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar
ah oo labada dhinac dhexmaray ayey madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka
laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay,
kaasoo dhaawacaya heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda
Saddexaad ee dalka sida;

Hoose kala soo deg war saxaafadeedka:
mowqifka madasha final