SHIR JAALIYADDA KG SOOMAALIA, MELBOURNE, AUSTRALIA

Melbourne, 22 June 2018 (banooda)-Waxaa magaalada Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen qaar ka mid odoyaasha, aqoonyahanada, ulamaa’diinka, iyo wax-garadka Soomaaliya ee KG oo ku nool magaaladaas. Shirka waxaa ka soo qayb galay Mudane Cali Wardere Doyow Guddoomiya Gobalka Bay oo booqosho ku yimid magaalada Melbourne, iyo Mudane Maxamed Cali Xamud X-Wasiir Arr. Dibeda Soomaaliya.

Mudane Cali Wardere waxuu warbxin ka siiyey ka soo qayb-galayaasha shirka xaalada guud ee gobolka Bay gaar ahaan howlaha horumariin ka socoda gobolka, arrimaha bulshada, waxsoosaarka, nabad-galyada, barakacyaasha,  iyo dhibaatooyinka ka jiraan gobolka, iyo dadaalka loogu jiro sidii loo xalin lahaa.

Shirka waxaa loogu hadlay howlaha shirweynaha Horumariinta Hidaha iyo Dhaqank gaar ahaan Kobcinta iyo Horumariinta Afka Maay (Somali-Maay Language and Cultural Conference) oo lagu qaban doono Skolgatan 1 50333, Borås, Sweden 27-29 Luuliyo 2018.

Goobta shirka waxaa lagu soo uruuriyey dhaqaalo loogu talo galay fulinta howlaha la xariira shirka lagu qaban doono dalka Sweden. Shirka waxaa ka soo qayb gali doono aqoonyahano, wax-garad, iyo quburo afafka.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cali Wardere waxuu Jaaliyadda gudoonsiyey shahaado sharaf/mahadnaq (Certificate of Appreciation)  doorka wax ku oolka ah ay ka qaataan howlaha horumarrinta, banuaadinimo iyo gurmadka gobolka Bay.

Banooda, Melbourne.