Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Framaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa muddaba soo jiitamayay, wuxuuna inta badan khilaafkani salka ku hayaa arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, asxinta xeerar iyo shirar looga hadlayay arrimo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Shirkii Dhuusamareeb
1-dii bishii Febaraayo ee sanadkan ayaa guddoomiye, Cabdi Xaashi, waxa uu shaaciyay in uu ka qeybgalayo shir ka dhacayay magaalada Dhuusamareeb, oo loga hadlayay arrimaha doorashada, ayna isugu imaanayeen madaxda mamaul goballeedyada iyo kuwa dowladda federaalka. Cabdi Xaasi kama uusan qeybgelin shirkaasi maadaama aan lagu casumin.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay intaanu shirkaasi furmin madaxweynha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) in uu doonayo ka qayb galka Shirkaasi maadaama arrimaha looga hadlayo ay ka mid ahaayeen arrinta soo xulista xubanaha xildhibaannada goballada waqooyi oo uu isaga ka soo jeedo.
Hase yeeshee guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu xilligaas ku wargeliyay in shirkaasi aan lagu casuumin, taasi oo meesha ka saartay rajadiisii ahayd inuu ka qayb galo shirkaasi. Cabdi Xaashi arrintaasi kueedeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Waxaa caddeynaysaa inuusan madaxweynuhu aqoonsaneyn Aqalka sare diidamada uu ii diiday shirka ay yeelanayaan dowladda dhexe iyo maamul goballeedyada iyadoo Aqalkaani yahay xiriiryahay oo isku xirayay dowladda dhexe iyo dowlad goballeedyada,” ayuu yiri isaga oo la hadlay BBC-da.
Dhanka kale, Cabdirashiid Xaashi, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa isla maalmahaasi shirku ka socday Dhuusamareeb ay BBC-du wax ka waydiisay eedeymaha ka imaanayay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuuna ku jawaabay in “shirkaasi dadkii lagu casuumay aaney cidi ka maqneyn.”
“Macsuumaadii shirka ee soo baxday waxaa lagu macsuumay darafyada kala duwan ee saxiixay shirkii Sebteembar 17-keedii ee Muqdisho ka soo baxay ee doorashada, waxaana lagu macsuumay dhammaaba madaxda maamul-goballeedyada iyo gobalka Banaadir, madaxda dowladda federaalka oo ah madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu waa ay fadhiyaan, waxaan qiyaasayaa anagoo ka tixraacayno baaqii madaxweynaha in maanta shirka loo dhan yahay, si wanaagsan oo habsimi lehna uu u furmay, mana tabayaan ka qaybgalayaasha shirku cid ka maqan” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.