Iyadoo laga ambaqaadayo ku dhawaaqistii Madaxweynaha JFS 29 Maarso 2025
ee Gogosha Wadatashiga Qaran iyo kulamadii hordhaca u ahaa ee lala yeeshay
siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha qaybaha bulshada, ayaa waxaa si rasmi ah
Muqdisho uga furmay Gogosha Wadatashiga Qaran. Madaxweynaha JFS
Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay gogosha, ayaa
hadal-jeediintiisii gogosho ku cadeeyay inay gogoshani sii furnaan doonto,
adkeeyayna in aanay jirin cid laga tagi doono.
Kulanka oo socday 16 illaa 19 Juun 2025, ayaa waxaa ka qaybgaley Madaxda
Dawladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiin iyo hoggaamiyeyaasha qaybaha
bulshada sida; madax hore, ururrada siyaasadda Soomaaliya ee diiwaangashan,
Xisbiyada siyaasadda Puntland, Culimada iyo Bulshada Rayidka ee
Soomaaliyeed.
Gogoshu muddadii afarta maalmood ee ay socotay waxaa ay ka-qaybgalayaasha
uga wadahadleen ajandayaal muhiim u ah dhamaystirka geeddi-socodka dawlad
dhiska Soomaaliya oo ay ku jiraan midnimada iyo dhab-u-heshiisiinta dalka,
amniga iyo ciribtirka argagixisada, dhamaystirka dastuurka iyo
dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka.
Hoose kala soo dag maqaalka:
War-murtiyeed Gogosha Wadatashiga Qaran