HOBABARO LIBAAX BAY SOO WADAA
Melbourne, 12/08/2009 (BANOODA)-Ma runbaa in baarlamaanka dawladda ku meelgaarka loo soo rarayo Puntland? Inta aynaanu taas jawaabteeda u gudbin aynu sharaxno farqiga ku kala jira baarlamanka Puntland iyo barlamanka Dawladda ku meel gaarka. Barlamanka Puntland waa gole wakiilo qabaail oo ku bahoobay Puntland qaar ka mid ah (38 qabiil oo degan Puntland, canshuurtana bixiya ayaan wakiil qabiil, iyo wasiir iyo shaqaale dawladeed ku lahayn), waxaana ay wakiil ka yihiin Issimada soo magacaabay ee wakiil kama aha shicibka Puntland. Walowba ay dadka qaarkood u haystaan in ay issimada reer Puntland ay wada dhan yihiin, xaqiiqdu waxay tahay in issima qabaail fara badan ay ka maqan yihiin soo magacaabida. Hase yeeshee waxaan hoosta ka xariiqayaa in wakiiladu yihiin wakiilo issimada qabaailka Puntland qaarkood. Deyga ba’ay way dhaamaan xubnaha ku bahoobay baarlamaanka dawlada ku meel gaarka ah.
Baarlamaanka Dawladda ku meel gaarka ah, shicib sooma dooran, issimada Somaliyana sooma dooran, ee waa dad iyagu is caleema saaray oo iyagu isa soo doorta. Ha ahaadaan kuwii horay ugu jiray barlamaankii hore iyo kuwa wadaad isku sheegu kuwa ay ku soo darsadeen. Waxay u badan yihiin Warlords, qawleysato, burcad, dadkii ummadda xasuuqay iyo kuwa hunguri qaaday ee awood lahaa oo doontay in ay noqdaan xildhibaano. Badankoodu waxay yihiin haraagii dawladihii hore iyo kuwii durbaanka u tumi jirey dawladihii hore ee wadanka soo burburiyey. Hadaba dan ma u yihiin ummadda Somaliya? Dan ma u hayaan ummadda, qaranimose ma ku jirtaa? Mise waa dad halgan ugu jira dantooda iyo sidii ay ku lacagaysan lahaayeen? Akhristayaasha aqaarkood waxay is weydiinayaan: “Ummadda Somaliya qaranimadeedii ma qabiil baa bedeley?” Aniguse waxaan is weydiiyaa belaayada yaa meesha keenay? Yaa soo doortay? Ma sidaan baa Somaliya ku soconeysaa? Ma madaxwyne Axmed Walad Cabdalla ayaa Somaliya weligii u talinaya? Ma fadhi ku dirirkey kaga doodaan annagaa idinka xildhibaano badan? Dawlada ku meel gaarka ahi in muddo ah way jirtay ilaa asaaskeedii Djibuti ee January. Wadama farabadan madaxdeeda maqaar saarka ahi safara ku soo kala bixiye, hase yeeshee madaxda luf-lufka doonatay ee yaboohsiga u kicitimay weli wadanka inta nabadda ah ma booqan. Ma amar bay ka sugayaan Madaxweyne (De Facto President) Axmed Walad Cabdalla? Bal ma garan waayeen in ay soo booqdaan Puntland iyo Somaliland? Allaylee aragnay cilmiga ay ku dhisan yihiin. Wadaad-ku sheegu ma garan waayey in uu yiraahdo waxaan socdaal ku tegeyaa Puntland ma Somaliland? Hadii aanu isku hawlin labada dawladood oo ka dhisan wadanka iyo meelaha nabadu ka jirto, yuu wadaad ku sheegu u yahay madax. Lama mooga in xamar lagu haysto. Maqalnay in dawladdda ku meel gaarka ahi aanay ka talin magaalada Xamar, iska daa meel kale.
Bal marka aynu u soo noqono arrinta baarlamaanka Dawlada ku meelgaarka iyo sahanka loogu jiro sidii loogu rari lahaa Puntland. Qofba si u arag. Anigu waxaan u arkaa in ay dhibaato u tahay meesha la geeyo, ha ahaato Puntland ama Somaliland, waayo waxaa daba socda khashin, cayayaan, halaq hoose, dhurwaayo, magan gooye, gafanayaal iyo dad xun oo dhan. Waa sida ay oraahdu u dhacdaye “Hobabaro libaax bay soo wadaa”. Puntland iyo Somaliland manta waxay haystaan nabad, waxayna higsanayaan sidii ay ku gaari lahaayeen baraare dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, iwm.
Hadaba waxaan uga digeynaa dawladda Puntland iyo Somaliland in ayan dabin ku dhicin, ummadda reer Puntland iyo Somalilandana ayan dhib haatan ka maqan hoosta u soo gelin. Puntland, Somaliland iyo Galmudug argagixisadeedu dhib ugu filan ummadda Puntland, Galmudug iyo Somaliland. Hadey Dawlada ku meelgaarka ahi khayr leedahay, Djibuti, Ethiopia iyo Kenya ha ula guuraan, maadaama ay Muqdisho iyo Baydhabo ayan fadhi ka dhigan Karin.
Midi waa iga yaabisay oo waa Wadaad ku sheega magac u yaalka madaxweyne iyo qabaankiisa reer Puntland in ay hambalo u soo diraan sannad guurada Puntland. Madax weynaha runta ah (functional President of Somalia Ahmed Walad Abdalla baa ka roonaa in uu u soo diro hambalyada). Taasi waa iga yaabisay. Todoba bilood xukunka waad saaraydeene, maxaad Puntland iyo Somaliland la soo booqan weydeen? Sow ma ha wadaadkii shalay yiri Puntland waanu ku duulaynaa, dhowaanna gacantaan ku qabaneynaa? Ma dhegtiisaan maqlin waxa afkiisu shalay yiri? Ma reer Puntland buu u malayey in ay umulo yihiin oo ay ilaaween dhaartii uu u dhaartay iyo gabaara gurdayntii? Mise Alla ma qaade Xaji Cadde Muuse buu tabar darro ku tuhunsanaa markuu u dhaaranayey Puntland? Hadaba boowe shikh ku sheeg manta shalay mood oo ha lagu dilo. Reer Barigu waxay ku maahmaahaan “Boowe adigoo nabad u balawaaja beloy kaalay lama yari, hadey belo timaadana lama booyo boowow”. Eebow tala iga hoo: Reer Puntland way ka war heleen 1,500 askari oo lagu taba barayo Djibuti. Waxaa nagu maqaala ah in nin qura oo reer sarara cune ah aanu ku jirin ciidamada la taba barayo. Askratana laga keenay Hargeisa iyo Muqdishow. Kuwaa suuqa soo geliyey in affar qof oo reer Puntland ah ku jiraan. Walowba tiradaan ay webside yadu qoreen, ciidamada Somaliya loo taba barayo intaas ka badan tahay, waa run oo shan boqol (500) waxaa taba baraya Gendaarmiga Fransiiska iyo ciidamo calooshooda u shaqaysta, hase yeeshee tirade kunka ah (1,000) ee dawladda Djibouti ay taba bareyso, intaasi ka badan oo tirade ay dawladda Djibouti ay taba bareyso waa 3,500 askari. Sababta loo taba barayo waa sidii loola diriri lahaa burcad badeeda Puntland. Askarta iyo dhallinta Reer Puntland way jeclaan lahaayeen in la taba baro ayna mushaharo ka helaan taba barka. Hadaba hurdow kac. Sababta loo taba barayo intaas ka fog. Dadka u kuur gala siyaasadda Somaliya waxay sheegayaan in loo taba barayo sidii lagu qabsan lahaa Puntland. Aan war ku siiyee, Puntland afar ama afartan kun oo askari ma qabsan karto. Dadka iskaba daaye, ciidaa kula dirireysa. Beelaha Puntland deggan geedkooda lama goosto, dagaalkana wiilal baa ugu dhasha ee kagama dhintaan. Lacagta iyo hubka carabta Somalida isku direysa laga soo qaatay iyagu ma helaan; welina waa ka daacad Somali jecaylku, hase yeeshee ogowe “ceesaantii mas iyo good madax shabeel leefta malageedi baa galay”, aniguna waxaan ogahay Puntland lagu duulo in aan caano laga lisanayn; soddonka diinta been-beenta ah ku aqdaansatana Faroolaa loo diray oo ku maqan.
Midi waa iga gacal cun oo waxaan boggaan kula hadlayaa Abtigay wiilkiisa. Qof walba kaa aamus oo laguma canaanan, lagumana caayin, hadana ceeb lagulama jecla oo samalidu waxay ku maahmaahdaa “MEEL AMA WAA LAGA MUUQDAA AMA WAA LAGA MAQAN YAHAY”
Gabadhii waxay tiri “Mana @#$% warna I raac”. Cumarow Dawladda ku meel gaarka ah waxay ku dhisnaan lahayd 4.5, waxaana saamiga lagu qaybsan lahaa saami xaq ah iyadoon qolana lagu tacadiyin. Ina Abtiyow, waxaa jagada laguugu magacaabay saami lagu bixinayey magaca odaygii sarara-cune ee ka soo degey Olog iyo Daamo.
Hase yeeshee dadka qaarkood waxay u haystaan in lagugu siiyey magaca dhardhaarka. Hadaba kuwa badan waxay ka baqayaan in aad aano u keentoqoomiyadda dhardhaarka ku bahowday. Ina abtow sua’aashu waa “Ma maqaar saar baad tahay?, mise magic u yaal baad tahay?” Ina abtow, bal labadii Raiisul Wasaare ee kaa horayey dib u jaleecso. Labaduba libaaxyey ahaayeen oo beesha mundulood sadkooda u qaada. Walowba xaafidu Allah uu bahda dhardhaarka ku bahowday keliya wax taray, hadana wuxuu ahaa nin aan saamigiisa la hunguriyayn. Hadii aadan qabaan ahayn, maxay ku dhacday in laguu aqdaansado wixii xun ee wadaad ku shhegu samayo in aad adigu dusha u ridato? Amaba amar lagugu siiyo taladii iyo ficilkii adiga lagaa sugayey? Ina Abtow, Afar Qooble iyo Sarara-Cune aana dhex taal ma jirin; haatan se, maan gaabku waxay u arkaan in aad adigu ka qaaday jagadoodii wasiirka cadaalada. Hadaba Wadaad baaskii ka qaaday jagada in uu isagu ku dhawaaqo bay ahayd. Wadaadku isagaa keensaday, isagaana la rabay in uu ka qaado. Maadaama ay adiga ku eersanayaan, haatan ku dhawaaq wasiiska cadaaladda iyo garsoorka oo ku bedel aqoon yahan Heridiid ah oo issimadu kuu keenaan (Lafa maroodi iyagaa la isku jebiyaa). Sara-cune halkaa ha ku eed baxo, isagoon weligeed godob ka gelin Afar-Qooble.
Adigaa ah Raiisul Wasaare oo lagaa rabay in aad hogaamiso wasiiradaada markii la barya tegayo; adigaa lagaa rabay in aad soo saxiixdo heshiisyada caalamiga ah ee maxaa laguugu maxbuusay xamar? Maxaa laguu yiri xamar sii joog, annagaa yaboohsi tegeynnahe? Mise waadan garanayn in aad adigu tahay Raiisul Wasaare baarlamaanku aqbalay? Ina Abti ha u qaadan in aan ku duqaynayo, ee waa iga baraarujin. Reer Puntland iyo Somaliland runtay igu barteen. Waan jeclaan lahaa in aan siyaasi ahaan kuula hadlo oo sheekada kor u qaado, hase yeeshee in aan far waaweyn wax ku qoro, sheekadana hoos u soo dhigo dantaa ka fursan weyday.
Ina abtow, Saaxiibkay Terzan (Orfano Trofio Maschile “OM”) oo intaa la soo halgamay wadaad ku sheega, barqa cad buu ka dhaqaaqay wadaadka. Hoos maw jeedalisay wadaadka aad qabaanka u tahay in kii isaga meesha keenay uu casmara ugaga soo tegey? Ina abtow madaxaaga kor u qaad, oo cad quureed ha qaadan, hana ilaawin beesha aad ka soo jeedo (Jareere); ceebta way ka gilgishaan.
Ma jiraa wasiir aad adigu magacawday, aan ka ahayn kuwa adiga laguu keenay mooyee? Hadaad adigu tahay ninkii laga sugayey in oo soo magacaabo wasiirada, ku-xigeenadooda, safiirada iwm. Maxay ku dhacday in laguu keeno liis la soo diyaarsaday? Ana qawleysatada wax ma ka heshay oo dhan dhaqaalee, wax ma ku qabtaa? Ma aragno faaiida ka soo socota dawlada ku meel gaarka ah. Iyadoo aan sannad guureysan baa xiddigeedii dhacay. Ina abtow waxaad wadataa oo aad huwantahay Abtigay magaciisa (Eebe dembigiisa iyo dembiga waalidiintiisana ha dhaafee, Jannadiisa ha ka waraabiyee”, goormaad baraarugeysaa? Goormaad heeryada baas iska tuureysaa? Goormaad qabaanimada ka baxaysaa? Kolba dawladii dun-duntaye, ilayskeediina gaabay oo baa-ba’ye, raad ku soo reeb oo magacaw safiirada, ka dibna ka soo qalab qaado. Ina Abti waa ku carayeye, car muuji in aad awood ku leedahay gola ceebeedka? Intaadan nalka soo damin, ina abtow, waa iga dardaarane, wiilasha kula jooga ha ka soo tegin oo ha noqon sidii seedigay markuu soo cararay.
Qore: Cumar Farajac
Farjac@gmail.com
____________________________________________________________________________________________________
YAAN DOORAN LA DOORAN
18 June 2009
MADAXEYNAHA SOOMAALIYA OO MAANTA TACSI U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED GEERIDII KU TIMID WASIRKII AMNIGA QARANKA MUDANE CUMAR XAASHI ADEN
MADAXEYNAHA DAWLADDA FEDERAALKA KGM EE SOOMAALIYA MUDANE SHEIKH SHARIIF SHEIKH AHMED AYAA MAANTA U DIRAY TACSI TIIRAANYO LEH GUUD AHAAN SHACABKA SOOMALIYEED IYO GAAR AHAAN QOYSKA UU KA TEGAY WASIIRKA AMNIGA QARANKA, MARXUUM CUMAR XAASHI AADEN OO SAAKA MAGAALADA BELET WEYNE LAGULA BEEGSADAY QARAX GAARI AY KU RAKIBNAAYEEN WAXYAABAHA QARXAHA KA SOO UU WADAY QOF ISA SOO MIIDAAMIYAY.
HADALKAAS WUXUU MADAXWEYNAHA JEEDIYAY MARKUU MAANTA XAFIISKIISA KULAN KULA YEESHAY XUBNO GOLAHA WASIIRADA WAXAANA KA MID AHAAA KU XIGEENNADA RA’ISAL WASARAAHA, SHARIIF HASSAN SHEIKH ADEN, ABDIRAHMAAN XAAJI ADEN IBBI IYO CABDULWAAXID CILMI GOONJEEX.
MADAXWYNAHA SOOMAALIYA SHEIKH SHARIIF SHEIKH AHMED WUXUU HALKAA KU MAGACAABAY GUDDI HEER WASIIR AH OO LOO XILSAARAY INAY AGAASIMAAN TACSIDA IYO BAROORDIIQDA HEER QARANKA EE LAGU SAGOOTINAYO MARUUMKA GEERIYOODAY IYADOO GUDDIGAASI AY XUBNIHIISA KA KOOBAN YIHIIN RA’ISAL WASAARE KU XIGEENKA AHNA WASIIRKA KALLUMEYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA, MUDANE CABDIRAXMAAN XAAJI ADEN IBBI, WASIIRKA SHAQADA IYO SHAQAALAHA, MAREEYE IYO WASIIRKA WARFAAFINTA, MUDANE FARXAAN MAXAMUUD CALI.
TARTIIBKA HAWSHA TACSIDA LOO AGAASIMI DOONO WAXAA KA SOO BAARANDEGAYA GUDDIGAAS.
MUDANE MADAXWEYNAHA WUXUU SHEEGAY IN QOF WALBA UUSAN DHAAFEYNIN MAALINTII EEBE UGU TALA GALAY INUU ADUUNKA KA TAGO WUXUUNA INTAA RAACIYAY WAA INAAN HALKEENA KA SII WADO HADAFKII UU U GEERIYOODAY CUMAR XAASHI ADEN WUXUUNA INTAA RAACIYAY IN MUSIIBOOYINKA NOOCAN AH EE DHACAYA LAGA HORTAGO TAANA WAA WAAJIB NA SAARAN
MADAXWEYNAHA WUXUU DUL MARAY TAARIIKHDII AY ISLA SOO MAREEN CUMAR AADEN ILAA BERIGII MAXAKAMADAHA AY DALKA KA TALINAYEEN, ASMARA ILAA DJIBOUTI HALKAASOO UGU DAMBEYNTII LAGU SOO DHISAY DAWLADDA UU KA MID AHAA MARXUUM CUMAR XAASHI ADEN. MADAXWYNUHU WUXUU KU TILMAAMAY CUMAR XAASHI INUU AHAA SHAKHSIYAD AAMINSAN SIDII LOO SOO CELIN LAHAA QARANNIMADA, SHARAFKA IYO MIDNIMADA SHACABKA SOOMALIYEED. “MA AHEYN SHAQSIYAD GADMEYSA”, AYUUU YIRI SHEIKH SHARIIF.
MADAXWEYNUHU WUXUU SHEEGAY IN DAQIIQADO KA HOR AY MARXUUMKA ISKU MAQLEEN TELEFOONKA WUXUUNA U EKAA QOF DARDAARMAYA AYADOO DADKA HALKAA KU DHINTAY AY GAARAYEEN ILAA 20 QOF OO UU KA MID AHAA DANJIRE ABDIKARIIM FARAX LAQANYO. “WAA INAAN OGGOLAANO INAAN ANNAGUNA U DHIMANO QADIYAD AY CUMAR IYO DADKA KALE U DHINTEEN.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA WUXUU SHEEGAY IN FICILLADA AY DHACAYA DALKA AY YIHIIN INXIRAAF LAGU SAMMEEYAY DIINTA ISLAAMKA WAAYO HIRGELINTA SHAREECADA ISLAMAAKA WAXAA ASAAS U AH SHAN TIIR OO KALA AH IN QOFKA LOO ILAALIYO DIINTIISA, NAFTIISA, MAALKIISA, CAQLIGIISA IYO CIRDIGIISA. DADKA BANNEYSTAY INAY FALKA CUMAR XAASHI LAGU DILAY INAY INXIRAAF KU SAMMEYEEN DIINTA ISLAAMKA. INKASTOO KOOXAHAASI HUBEYSAN YIHIIN KUNA XIRAN YIHIIN KOOXDA AL-QAACIDA, HADDANA WAA INAAN U BAABACA DHIGNAA.
MADAXWEYNE SHEIKH SHARIIF SHEIKH AXMED WUXUU KA WARRAMAY DOORKII UU CABDIKARIIM FARAX LAQANYO KA SOO QAATAY HALGANKAUXUUN YIRI: “QOFKA INTUU SARIIRTIISA KU DHIMAN LAHAA WAA INUU KU DHINTO HALGANKA LOOGU JIRO XAQA LAGUNA SAARAYO BAADILKA.
garaadcadde salaad [garaadcadde@gmail.com]